Aragtideena

In la dhiso dal Soomaaliyeed oo nabad ah, barwaaqo ah, loona wada siman-yahay kheyraadkiisa.

Himiladeena

Ka shaqeeynta dal & dad Soomaaliyeed qurux badan oo dhan walba iskaga filan iyo dowladnimo gundhig u ah caddaalad muwaadiniintu u wada siman yihiin, iyadoo aan loo eegeynin afkaartiisa/teeda siyaasadeed, iyo dabaqaddiisa/teeda dhaqaale toona.

Howlaha kale ee Shaqo ee Xisbiga GURMAD:

Annaga oo ah Xisbiga GURMAD ee Soomaaliya, waxaan xoogga saari doonnaa sida:

  • In aan fududeyno hawlaha dowladnimada si loo baro muwaadiniinta caqabadaha ku gudban siyaasad shaqeysa oo mira dhal ah, soo saarista bulsho aqoon leh, waxaan isbeddel ku sameyn doonnaa waxbarashada aqoonta maadiga ah (civic education). Illaa iyo hadda dalka kama jirto manhaj guud oo mideysan (universal curriculm).
  • In aan ku dhiiri-galino Muwaadiniinta ku nool dhammaan gobollada Soomaaliya inay si fir-fircoon uga qeyb-qaataan geeddi-socodka siyaasadda si ay u dhiibtaan codkooda ku aadan go’aannada inna wada saameyn doona, sidoo kalena saameyn doona jiilalkeena dambe.
  • In aan kor u qaadno mabaadi’da assaasiga ah ee xisbiga GURMAD iyo qiyaamka dimuqraadiga ah, sidoo kalena aan soo dhoweysanno Musharaxiinta xisbiyada kale ee la jaanqaadi karta mabaadii’da iyo anshaxa asaasiga ah ee Xisbiga GURMAD.

Qiyamkeena Assaasiga ah: