Haddii aad si dhab ah u rumeysan tahay “Isku Xukunka iyo Sareynta Sharciga” in ay yihiin gundhiga dhammaan xuquuqdeena assaasiga ah, xorna ka tahay takoor, muwaadin kasta oo Soomaaliyeedna uu xubin ka yahay qaranka Soomaaliya – GURMAD waa Xisbigaada”
Hoggaamiyaha Shacabka - Tilmaamaha laga rabo Musharaxa Madaxweynaha Xisbigu Door-bidaayo:
The Somali people agree with the importance that character plays in the job performance of the President. Considering all of the hats that a President must wear, perhaps the symbolic role that the President plays is the most affected by character. President must be able to symbolize what Somali citizens believe to be the essence of their country, more importantly; the president must be a visionary with leadership qualities to lead Somalia to a brighter future.

The GURMAD party for Somalia (GPS) is seeking a candidate who embodies the following characteristics:
-
Qof Allah ka cabsi leh, niyad u haya, diyaar u ah xilka hoggaaminta bulshada, waddannina ah.
-
Qof jir iyo maskax-ahaanba bad qabo, si uu karti ugu yeesho xil-gudashadiisa.
-
Qof aragti fog leh, dadka qancin kara, ra’yigiisa si fiican u cabbiri kara, si dhiirran u hadli kara, go’aanno adagna qaadan kara markii loo baahdo.
-
Run sheegnimo, karti iyo daacadnimo ku darsadey.
-
Hoggaamiye dhammaan dadka Soomaaliyeed u siman yihiin isla markaana aan u xaglinin qof, koox ama dad gaar ah.
-
Qof kalsooni lagu qabi karo, lehna aqoon, biseyl iyo waayo aragnimo lagu horumarin kara danaha siyaasadeed ee gudaha dalka & xiriirka caalamiga ah.
-
Inuu leeyahay hal-abuur, ka dabbaalan karo caqabadaha taagan, maareyntiisuna tahay mid macquul.
-
Hoggaamiye geesi ah, tijaabin kara go’aankiisa, una bareeri kara khataraha isagoo meelo badan wax ka eegaya.
-
Mideeye awood u leh isku keenista dalka iyo inuu la shaqeeyo labada aqal ee baarlamaanka, iyo dowladaha xubnaha ka ah DFS.
-
Buundo dhise awood u leh isku keenista danaha kala duwan ee dadkiisa oo dhan, kana dabaalan kara caqabadaha, maareyntiisuna tahay mid macquul ah.
Isbedelkaan Rabno
Madaxda aynu dooraney ma hayaan wax hiigsi iyo horumar ah, sidoo kalena, adiga Soomaaliga ahna kuuma hayaan jawaab ku qancisa, sidaas darteed, waxaanu yagleelney Xisbi dimoqraadi dhab ah oo meel isugu keeni kara afkaarta kala duwan, wada-shaqeyn iyo wada-tashi ku gaara go'aanadiisa, isku duubni iyo midnimo ay ka go'an tahay inuu uga addeego bulshaddiisa, sareynta sharciga iyo horumarinta danta guud ee qarankana dastuurkiisu yahay!
