Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir Mohamed oo kulan qadka Zoom kula yeeshay Xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee Dalka Mareykanka

FAAFIN DEG DEG AH:

APRIL 10, 2021

Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir oo wadahadal la yeeshay Congressman Donald Payne Jr., oo ka tirsan Xisbiga Dimoqradiga, lagana soo doorto Gobolka New Jersey

Dr. Abdinasir Mohamed oo ah Musharax u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ee sanadkaan ayaa waxa uu kulan dhanka Zoom-ka la yeeshay Congressman Donald Payne Jr. oo madax u ah guddi hoosaadka Guddiga Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Aqalka Senate ee dalka Mareykanka, waxayna 2da dhinac ka wada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya iyo doorashooyinka.

Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir ayaa ku ammaanay Congressman Donald Payne Jr. kaalintii uu aabbihiis ku lahaa qaabeynta siyaasadda Mareykanka ee Afrika isagoo uga mahadceliyey dedaalka iyo waqtiga uu ku bixinaayo siyaasadda Afrika.

Doorashada Soomaaliya ee dib u dhacday ayuu ku tilmaamay Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir in madaxda Dowladda Federaalka ee waqtigoodu dhammaaday bishii Febraayo 2021 ay masuul ka yihiin dib u dhaca ku yimid doorashada isagoo soo dhaweeyey siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan in la qabto doorasho loo wada dhan yahay oo xor iyo xalaal ah, isagoo ka digay dhibta ka imaan karta muddo kordhin iyo kursiga oo la isku dhejiyo inay keeni karto dib u dhac dhanka horumarinta Soomaaliya iyo geeska Afrikaba.

Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda cudurka Covid-19 ee ku sii fidiya Soomaaliya, abaaraha, dhibaatada ayaxa, fatahaadaha iyo xaaladda bini-aadanimo ee dalku ku suganyahay isagoo sheegay in Dowladda Mareykanka iyo indhaha Hay’adaha caalamiga lagu soo jeediyo arrimahaas degdega ah ee taagan marka laga soo tago dib u dhaca doorashada.

Dhanka kale Congressman Donald Payne Jr. ayaa sheegay isagoo raacaya dhaxalka hoggaamineed ee Aabihiis inuu sii wadayo taageerada horumarka qaaradda Afrika, isagoo caddeeyey in uu doonayo inuu arko Soomaaliya oo qaadda waddada saxda ee horumarka iyo dimuqraadiyadda. Wuxuuna u muujiyey taageeradiisa maadaama uu aaminsanyahay in uu ka shaqeynayo horumarka, dhawridda xuquuqda bini-aadamka iyo dimuqraadiyadda Soomaaliya.