Ku Saabsan GURMAD

Xisbiga Gurmad waa xisbi siyaadadeed oo ay ku mideysan yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo ay ka go’an tahay Soomaalinimada, sinnaanta sharciga iyo dib-u-dhiska dalkooda. Waxaa lagu aasaasay mabaadii’da nabada, midnimada iyo xoriyada qowlka muwaadinka. Xisbiga GURMAD wuxuu aaminsan yahay xiriirka caalamiga ah ee ku saleysan ixtiraamka madax-banaanida qaran ee dal walbaa leeyahay, u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah iyo xeerarka lagu qeexay Axdiga Qaramada Midoobay (United Nations Charter)

Qiyaamkeenna Assaasiga ah:

Cadaaladda, sinnaanta, daacadnimada, difaaca qaranka, daah-furnaanta iyo sarreynta Sharciga.

Xisbiga GURMAD, wuxuu mudnaanta siin doonaa, sidoo kale hir-gelin doonaa shanta qodob ee soo socda, wuxuuna muujin doonaa is-bedel lagu sameynaayo Soomaaliya muddada ugu horeysa ee xilka.

  •  Amniga iyo Garsoorka
  •  Dhismaha heykalka Dowladda iyo Dib-U heshiisiin Qaran
  •  Maamul wanaagsan iyo Dhismaha hay’adaha Dowliga ah
  •  Horumarinta Dhaqaalaha iyo Bulshada
  •  Iskaashiga caalamiga iyo kan Gobollada dalka.

Hordhac

Anagga oo ah xubnihii aasaasey Xisbiga Siyaasadeed ee GURMAD waxaan aaminsannahay:

  1. Sarreynta sharciga, kaas oo loo fuliyo qaab nabad ah oo quwadi ku jirto, xal waarana laga gaaro dhammaan khilaafaadka ka dhaca dalka gudahiisa, gobollada iyo caalamkaba si loo badbaadiyo nolosha iyo sharafka aadanaha..
  2. Xuquuqda aadanaha: Waxaan rumeysannahay horumarinta iyo taageerista xuquuqda Aadanaha annagoo awood siineyna muwaadiniinteena inay door fir-fircoon ka ciyaaraan is-bedelka bulshada iyo siyaasadda, iyo sidoo kale go’aannada wax ku oolka ah ee saameyn ku yeelan kara mustaqbalkooda iyo kan jiilalka soo socda.
  3. Kobaca Dhaqaalaha Dalka: Waxaan aaminsanahay ka shaqeynta iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka iyadoo la kaashanaayo beeraha, xoolaha nool, kaluumeysiga, macdanta kala duwan, cilmi baarista iyo ganacsiga. Ku tiirsanaanta saamiga deeq bixiyayaasha ma kobcin doonto dhaqaalaha Soomaaliya, horeyna loogama baranin in uu nooleeyo ama uu kobciyo dhaqaalaha dalkeenna


SHORT BIOGRAPHY

POLITICAL RESUME

Public Affairs

Public Affairs

19 May, 2015

Political Correspondent

Political Correspondent

29 January, 2013

Financial Consultant

Financial Consultant

28 June, 2011

11 January, 2016

International Agency

International Agency

03 February, 2015

Corporate Manager

Corporate Manager

09 April, 2012

Political Commentator

Political Commentator

Get Off the Sidelines!

Be a part of the movement and participate in building a better future for our country!